Guddiga JSC oo loo gudbiyay dacwad lagu doonayo inuu xafiiska banneeyo madaxa cadaaladda

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ee JSC ayaa sheegay inuu qabtay dacwad loo soo gudbiyay oo ku aaddan sidii xil ka qaadis loogu sameyn lahaa madaxa cadaaladda wadanka Mr. David Maraga .
Waxaa kiiskaasi gudbiyay nin Kenyaan ah oo lagu magacaabo Yuusuf Ibrahim Dimbil.
Mr. Maraga ayuu ku eedeynayaa inuu sameeyay waxyaabo liddi ku ah habdhaqanka wanaagsan ee dastuuriga ah ee laga doonayo.
Arrintan ayaa imaanaysa maalmo un kaddib markii guddigan JSC la hor dhigay dacwad kale oo ku saabsan inay xafiisyada banneyaan garsoorayaasha kala ah Smokin Wanjala, Maxamad Ibrahim, Njoki Ndung’u iyo Jackton Ojwang oo lagu tuhmayo inay laaluush qaateen ama aynan waajibaadka saaran u gudan sida habboon.
Mr. Yuusuf Ibrahim ayaa Maraga ku dhaliilaya inuu ka qeyb galay isu soo baxyo siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxa cadaaladda ee dalka uu marar badan jeediyay hadalo siyaasadeed oo aanan loo fiirsan dhaawaca ay u geysan karaan madax bannaanida waaxda garsoorka.
Maraga ayuu sido kale doonaya in lagula xisaabtamo sababta uu u yiri Prof. George Magoha waxaa uu turxaan bixin la’aan noqon karaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee uu dhawaan u soo magacaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *