Maraykanka oo sheegay in Kenya ay weli ka jiraan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in gudaha wadanka ay weli ka dhacaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha iyo falal dambiyeedyada kale.
Waxaa warbixinta qeyb ka ah inaynan jirin la xisaabtanka mas’uuliyiinta lagu eedeyo inay ka tallaabsadeen xuquuqda aas-aasiga ah ee shacabka.
Warbixintan oo wadamo badan lagu eegay ayaa lagu xusay in kastoo madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa ay jeediyeen hadalo ku aaddan in arrimahan wax laga qabanayo haddana aan si buuxda looga dhabeyn.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa sheegay inuu ka warqabo oo uuna soo dhaweynayo isbeddelada lagu sameeyay waaxyaha booliska iyo garsoorka dalka.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA ayaa lagu ammaanay inuu baaritaano ku sameeyay xadgudubyo dhowr ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *