13,000 oo argagixiso ah oo lagu xiray Shiinaha 5-tii sano ee la soo dhaafay

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2014-kii xabsiyada loo taxaabay ilaa iyo 13,000 qof oo lagu eedeyay falalka argagixiso.
Dadkan ayaa laga soo qabqabtay gobolka galbeed ee Xinjiang.
Arrimhan ayaa shaaca looga qaaday qoraal dheer oo ay soo saartay dowladda Shiinaha kaasi oo ay ku muujinayso tallaabooyinka ay qaadday ee ka dhanka ah xagjirnimada.
Qaar ka mid ah khuburada qaramada midoobay ayaa horay Shiinaha ugu eedeyay inuu sameeyay xarumo lagu xiray in ka badan hal milyan oo ka tirsan bulshada loo yaqaano Uighurs iyo muslimiinta kale.
Waxaa qoraalka dowladda sido kale lagu sheegay in 5-tii sano ee ugu dambeysay la burburiyay 1,588 oo ah burcad lagu tilmaamay argagixiso oo rabshado geystay halka la helay 2,052 oo ah waxyaabaha bambooyinka laga sameeyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *