Senetarka Isiolo oo cabasho ka muujisay in dhalinyaro badan aynan helin aqoonsiga qaran

Fatuma Adan Dullo, senetarka ismaamulka Isiolo ayaa sheegtay in dhalinyaro badan oo dowlad deegaankaasi ka soo jeedo aynan helin aqoonsiga qaran halka kuwa qaarna ay muddo dheer ku qaadato inuu kibaandhaha u soo baxo.
Waxay xafiiska dowladda u qaabilsan diiwaangelinta dadweynaha ee Isiolo ku dhaliisay inuunan dardargelin bixinta aqoonsiga qaran ee loo yaqaano ID.
Shacabka ismaamulkaasi ayay ku boorisay inay guda galaan olole ku aaddan sidii caqabaddan wax looga qaban lahaa
Waxay hoosta ka xariiqday inay ku dadaali doonto sidii dhalinyarada dhammaan ay u heli lahayeen aqoonsiga dalka si ay ugu fududaato in la shaqalaysiiyo iyo helidda adeegyada kala duwan ee dowladda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *