Agaasimaha dacwad oogidda oo lagu wareejiyay baaritaanada biyo xireenada Rift Valley

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Mr. George Kinoti ayaa feeylka baaritaanada la xariira mashruuca biyo xireenada Arror iyo Kimwarer ku wareejiyay dhigiisa dacwad soo oogidda Mr. Nuurdiin Xaaji.
Mr. Xaaji iyo sarakiisha kale ayaa dokumeentiyada lagu wareejiyay si qoto dheer u eegaya ka hor inta aynan qaadin tallaabada xigta.
Shalay ayay ahayd markii Mr .Kinoti uu wacad ku maray in siyaasiyiinta dalka aynan cabsi gelin karin dambi baarayaasha.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ay Mr. Kinoti ku eedeyeen inuunan daacad ka ahayn la dagaalanka falalka musuqmaasuqa.
Waxay soo jeediyeen inuu faraha kala baxo kiisaska la xariira dembiyada dhaqaale oo uu xoogga saaro falalka dambiyeedyada ay ka midka yihiin dhacda iyo dilalka.
Hasa ahaate agaasimaha waaxda DCI-da ayaa sheegay inuu fahansanyahay waajibaadkiisa dastuuriga ah sidaasi awgeedna hanjabaadda kaga imaanaysa madaxda siyaasadeed aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *