Barasaabka Mombasa oo beeniyay inuu ka dambeeyo qorsho lagu kala dirayo dowlad deegaankaasi

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho oo shalay ka soo hormuuqday guddiga aqalka sare u qaabilsan dowlad wadaajinta ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay.
Mr. Joho ayaa lagu eedeyay inuu ka dambeeyo qorsho la doonayo in lagu jabiyo golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Hasa ahaate waxaa uu arrimahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo waxqabadkiisa.
Barasaabka ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay Senetarka Mombasa Maxamad Fakii oo ahaa in Joho uu maalgelinayo koox u ololeysa arrimaha bulshada oo soo aruurinaysa saxiixyo lagu kala dirayo maamulka dowlad deegaanka Mombasa.
Mr. Joho ayaa dalbaday in loo soo bandhigo caddeymo ku aaddan in maamulka uu hoggaamiyo uu amar ku bixiyay ama uu ka shaqeynayo in meesha laga saaro golaha hoose ee wakiilada deegaanada Mombasa.
Waxaa uu maalmihii la soo dhaafay muran ka dhexeyay Joho iyo qaar ka mid ah wakiilada laga soo doortay deegaanada hoose oo wacad ku maray inay xilka ka qaadayaan wasiirka gaadiidka ee ismaamulkaasi Tawfiq Balala.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *