Gagida diyaradaha ee Kisumu oo xiran

Waxaa maanta xiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Kisumu sida uu shaaca ka qaaday maamulka maareeya garoomada ee (KAA).
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay mashruuc ballarin ah oo halkaasi laga fulinayo.
Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay in rakaabka maanta halkaasi u safri lahaa fursad la siin doono berri oo ah 20-ka maarso.
Agaasimaha ismaamulka Kisumu u qaabilsan dalxiiska, dhaqanka , cayaaraha iyo farshaxanka Thomas Ouko ayaa sheegay in ballarinta gagida ay horseedi doonto inay diyaarado badan ka soo caga dhigtaan kana duulaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *