Hanti dhowraha guud oo sheegay in lacago badan lagu lunsaday ismaamulada

Hanti dhowraha qaranka , Edward Ouko ayaa su’aal geliyay qaabka dowlad deegaanada wadanka ka jiro ay u isticmalaan lacagaha loo qoondeeyo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in intii lagu guda jiray miisaaniyad sannadeedkii 2017- 2018-kii, barasaabyada ismaamulada ay bixiyeen qandaraasyo badan iyadoo xita uunan jirin dhammaanaqaad ku aaddan dhaqaale loogu talagalay.
Waxaa uu intaasi raaciyay in miisaaniyad sannadeedkaasi uu dhammaaday iyadoo ismaamulada lagu leeyahay deymo ah 108 bilyan oo shilin.
Mr. Ouko ayaa intaasi raaciyay in geedi socodkan uu yahay mid hoos u dhigayo horumarka ay ku tallaabsan karaan deegaanada kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qandaraasleyda ay daremayaan inay halis tahay inuu ganacsi kala dhexeyo dowlad deegaanada dalka maadaama ay suurtagal tahay in lacagaha aanan la siin xilliga habboon in kastoo ay qabteen mashaariicdii loo igmaday.
Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay in ismaamulo ay ka mid yihiin Tana River, Tharaka-Nithi, Siaya iyo Meru aynan soo gudbin macluumaad dhamaystiran oo ku aaddan qandaraasyada ay bixiyeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *