Madaxweynaha Maraykanka oo soo magacaabi doono Safiirka ku matalaya Mexico

Xafiiska aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo u qaabilsan dhanka warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaasi Donald Trump uu xeer ilaaliyaha Washington Christopher Landau u soo magacaabi doono inuu noqdo safiirka wadankaasi u fadhiyo Mexico.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo labadan wadan ee dariska ah uunan ka dhexeyn xariir wanaagsan oo dhinaca ganacsiga ah.
Sido kale Mr. Trump ayaa horay walaac uga muujiyay in soo galooti aanan la diiwaangelin ay Maraykanka uga soo gudbaan xadka uu la wadaago Mexico sidaasi awgeedna uu doonayo in la dhiso darbi wayn oo qulqulkaasi lagu xakameynayo.
Bishii shanaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay safiirkii Maraykanka ee Mexico Roberta Jacobson.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *