Madaxweynaha Mozambique oo sheegay in dhimashada ka dhalato duufaanta xooggan ay kor u dhaafi karto 1000 qof

Hoggaamiyaha wadanka Mozambique ,Filipe Nyusi ayaa sheegay in dhimashada ka dhalata duufaanta xooggan iyo daadadka xigay ee dalkaasi ku dhuftay ay suurtagal tahay inay ka badato 1000 qof.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 84 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Mozambique oo laga soo tabiyay duufaanta xooggan ee loo yaqaano Idai.
Waxay sido kale saameysay burbur dhanka kaabayaasha ah ka geysatay wadamada kale ee Zimbabwe iyo Malawi.
Dhimashada laga soo tabiyay Zimbabwe ayaa gaartay 98 qof halka in ka badan 200 oo kalena la la’yahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *