10 qof oo loo haystay dilal ka dhacay ismaamulka Vihiga oo la siidaayay

Maxkamad ku taalla ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa siidaysay 10 ka mid ah 17 eedeysane oo lala xariiriyay dhac iyo dilal horay looga geystay dowlad deegaanka Vihiga ee isla gobolkaasi.
Eedeysanayaashan ayaa lagu soo oogay inay dhac hantiyeed ka geysteen suuqa Kilingili iyagoo halkaasi ku dilay 6 waardiye.
Magacyada eedeysanayaashan ayaa kala ah Gerishom Amukhuma, Aggrey Injiri, Moses Ekengo, Joseck Sharanda, Pascal Khalaba, Robin Khubi, Michael Abukhucha, Saul Otwoma, Bonface Asiliva iyo Stephen Lumula waxayna maxkamaduu siidaysay kaddib madkii dhammaantood ay iska fogeyeen eedeymihii uu u soo bandhigay garsoore Bildad Ochieng.
Sido kale garsooraha ayaa sarakiisha dacwad soo oogidda u sheegay inaynan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo dacwadaha ay 10-ka qof ku soo oogeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *