Ciidanka dowlada iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka shabeelada Hoose.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa u dhaxeeyey Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab,waxana uu xalay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay,sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa ku geeriyooday hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,kuwaaas oo dhamaantood ah dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Buulo Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Buulo Mareer ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo dadka deegaanka ay sheegayaan in mararka qaar ay rasaas maqlayaan wallow uusan dagaal jirin.
Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka,waxaan dagaalka xalay ka dhacay Buulo Mareer uu kusoo aadayaa xilli shalay Al-Shabaab ay weerareen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *