Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kiambu oo digniin adag ka soo saaray musuqmaasuqa

Barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Mr. William Kabogo ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay soo afjarto falalka musuqmaasuqa ee ka dhex jiro waaxyaha kala duwan.
Waxaa uu soo jeediyay in tallaabada habboon laga qaado wasiirada iyo xoghayayaasha lala xariiriyo lunshada kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Mr. Kabogo ayaa wacad ku maray in hadii dowladdu aynan tallaabo deg deg ah qaadin uu Kenyaanka kale ku hoggaamin doono inay gacanta ku dhigaan wasiirada iyo xoghayayaasha la farfiiqay .
Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga ayuu ku ammaanay sida uu dowladda ula shaqeynayo in kastoo sida uu hadalka u dhigay uu ka gaabiyay dhaliishii uu horay jeedin jiray.
Cod
Hadalka Mr. Kabogo ayaa ku soo aadaya iyadoo laamaha qaabilsan dambi baarista ay weli dabagal ku hayaan 21 bilyan oo shilin oo la sheegay inay dowladdu siisay shirkad laga leeyahay Talyaaniga si ay biyo xireeno u dhisto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *