Gudiga Joogtada ee Golaha shacabka Soomaaliya oo Maanta kulan yeelanaya.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in guddiga joogtada Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho, iyagoo kulankaas kaga hadli doona ,xilliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacbiga
Guddiga ayaa shaacin doona waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Baarlamaanka iyo ajandeyaasha looga hadli doono, iyadoo Xildhibaanada mudo laba bilood ah ay fasax ku jiraan,sidoo kalena uu dib u dhac ku yimid kulanka oo qorshuhu ahaa in la furo 10-kii Bishaan
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabada lagu daahfurayo kal-fadhiga 5-aad ee golaha Shacabka, balse waxaan la ogeyn in siwadajir ah loo furi doono kulamada labada Aqal maadaama xilligaan uu jira khilaaf u dhexeeya labada gole ee Baarlamaank.
Sanadkii hore ee 2018 ayay ahayd markii ay si kala gooni gooni ah u furmeen kulamada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Xildhibaanada Aqal Sare ay kasoo horjeesteen in hal Munaasabad ah lagu wada furo kulamada labada Aqal, waxyaabo ay tabanayeen awgood.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajandeyaal dhowr ah, oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan,sidoo kale inay ka hadlaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira sida cabashada Ciidamada iyo qodobo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *