In ka badan 200 oo dugsi oo aan weli lacago ka helin dowladda

Maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ayaa cabasho ka muujinaya in wasaaradda maaliyadda aynan weli lacagihii loogu tala galay ku wareejin in ka badan 200 oo xarumood.
Dugsiyadan ayaan ku guulaysan inay ardayda wax ka barta ku diiwaangeliyaan hannaanka casriga ah ee lagu maareeyo macluumaadka waxbarashada ee (Nemis).
Guddoomiyaha ururka ay ku mideysanyihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ee (Kessha) Mr. Kahi Indimuli ayaa hoosta ka xariiqay inaynan cadaalad ahayn in dowladda ay rajeynayso waxbarasho si habsami leh u socoto iyadoo xarumaha qaar aynan haysan dhaqaale ku filan.
Waxaa uu intaasi raaciyay in arday ay tiradoodu kor u dhaafayso 200,000 aynan weli dowladdu lacago u qoondayn halka maamulayaasha dugsiyadana laga doonayo inay carruurtaasi u fidiyaan adeegyada kala duwan.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr.Belio Kipsang uu sheegay in lacagahan la bixin doono in kastoo ay u muuqato inaan weli taasi laga dhabeyn.
Dowladda dhexe ayaa sannad waliba arday kasta oo dhigta dugsiga sare waxay u qoondeysaa 22,244 oo shilin.
2.4 milyan oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee dalka ayaa ilaa iyo hadda iska diiwaangeliyay nidaamka Nemis.
Dowladda ayaa sheegtay in bishii hore ay bixisay 36 bilyan oo loogu tala galay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dowliga ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *