Kulanka Guddiga joogtada oo furmay iyo qodobo laga soo saarayo

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 1-aad kal fadhiga 5-aad ee guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah muddeynta furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka guddiga joogtada waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana Guddiga ay shaacin doonaan waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Golaha.
Sanadkii hore ee 2018 ayaa waxaa si kala gooni gooni ah u furmay kulamada labada Aqal kadib markii Xildhibaanada Aqal Sare ay kasoo horjeesteen in hal Munaasabad lagu wada furo kulamada labada Aqal, hayeeshee lama oga waxa sanadkaan isbedeli kara.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *