Wadanka New Zealand oo laga mamnuucay hubka fudud

Dowladda dalka New Zealand ayaa gebi ahaanba mamnuucay isticmaalka hubka fudud iyo kuwa la midka ah nooca ay militariga adeegsadaan.
Tallaabadan ayaa ah mid looga fal celinayo weeraradii maalmo ka hor lagu qaaday laba masaaji oo ku yaalla magaalada Christchurch oo lagu dilay 50 qof.
Ra’iisul wasaaraha New Zealand Mrs. Jacinda Ardern ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay in amarkan uu yahay midkii ugu horeeyay oo ay dowladdu soo saarto balse waxyaabo badan oo kale la sameyn doono.
Amarka lagu mamnuucay qaadashada iyo adeegsiga hubka fudud iyo kuwa militariga loogu tala galay ayay sheegtay inuu yahay mid ku saleysan tixgelinta danaha qaran ee wadankaasi iyo badqabka shacabka.
Waxay carrabka ku dhufatay inay rajaynayso in amarkan uu dhaqangalo ugu dambeyn 11-ka bisha afaraad ee sannadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *