Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho oo hal sabab darteed aan u doonayn inuu ku biiro Manchester United

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona philippe coutinho ayaa waxa la sheegayaa in uu go’aansaday inuusan dooneynin in uu ku biiro kooxda manchestaer united
Coutinho ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxda Liverpool, lakiin waxaa jiraan warar isdaba jog ah oo kusaabsan ciyaaryahankan reer barasiil, kuwaasoo sheegayo in ay u badantahay in uu kubiiro naadiga ay xifaaltamaan kooxdiisi hore ee Manchester united.
Shabakadaha ciyaaraha ee ka faaloodo ciyaaraha ayaa ku waramaya in Barcelona ay diyaar utahay in ay dhageysato dalabyada lagu doonayo laacibkaan oo ah mid ku guuldareystay in uu ka helo boos joogto ah safka hore ee tawabare Ernesto vslverde.
Wargeysyada waxaa ay intaas kudarayaan in 26 sano jirkaan uu jeclaan lahaa inuusan ku laaaban horyaalka premier league sababo la xidhiidho qosykiisa oo markii hore ku fashilmay saldhigtaan England.
Coutinho ayaa kaliya kubiiray catalan bilowgii hore ee sanadii 2018, waxana wadar ahaan uu u dhaliyey 19 gool oo ka kala yimid 44 kulan oo uu kuso bilowday safka hore iyo 19 kulan oo uu kasoo kacay kursiga keydka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *