Baaq Loo Diray Xildhibanada Golaha Shacabka Ee Ku Maqan Safarada Dibadda

Xili shalay lagu dhawaaqay in 27-ka bishaan in uu furmayo Kal-fadhiga 5-aad ee golaha shacabka kuna began Arbacada soo socota ayaa dhinaca kalana baaq loo diray Xildhibaanada ka tirsan golaha ee ku maqan dalka soomaaliya dibadiisa halka kuwa ku sugan gudaha magaalada Muqdisho la faray in ay diyaar garoobaan.
Xoghayaha Guud ee golaha shacabka Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la farayo Xildhibaanada ku maqan safarrada in ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho inta kalana looga baahanyahay in ay mujiyaan diyaar garowga ka qeybgalka furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee golaha Shacabka Somalia.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *