Madaxweynaha dalka oo canaantay saddex ka mid ah golihiisa wasiirada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo wafdi uu hoggaaminayo la filayo inay maanta dib uga soo laabtaan wadanka Namibia ayaa canaan adag u jeediyay saddex wasiir oo safarkiisa ku wehelinaya.
Wasiiradan ayaa kala Mwangi Kiunjuri oo ah wasiirka beeraha, dhigiisa ganacsiga iyo warshadaha Peter Munya iyo wasiiradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in wasiiradda iyo madaxda kala duwan laga doonayo inay dhagta u raariciyaan , si dhow ula socdaan xalna u helaan waxyaabaha ay kenyaanka ka tabanayaan.
Waxaa uu sheegay inay la yaab ku noqotay in wasiirka beeraha uu billaabay inuu wax qorto markii uu Mr. Kenyatta guda galay inuu hadlo halka kenyaanka markii ay cabanayeen uunan sidaasi sameyn.
Sido kale wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Monica Juma ayuu u sheegay inuunan diyaar u ahayn in mar kale qudiisa loo soo gudbiyo cabasho ay wasaaraduu xalin karto.
Mr. Kenyatta ayaa yiri maanta waa ay ii xanaqayaan oo xita ilama hadlayaan balse waa inaan runta isku sheegno .

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii qurbajoogta Kenyaanka ah ee ku nool Namibia ay cabasho ka muujiyeen inaynan si fudud ku helin baasaboorka dalka iyo dokumeentiyada muhiimka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *