Xildhibaanka Dadaab oo codsaday in la furo xadka soomaaliya iyo Kenya

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Dr. Maxamad Daahiye Ducaale ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay furto xadka kala qeybiya wadamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in labada wadan ay yihiin kuwo daris ah oo uu ka dhexeyo xariir wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay inaan la sii wadin dhisidda darbiga soodhinta laga dhisayo.
Dr. Daahiye ayaa sheegay in in yar oo amniga lagu ilaalinayo ay lagama maarmaan tahay balse aanan loo baahnayn wax dheer oo caqabad noqonaya.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in dabagal lagu sameeyo dhismaha darbiga oo dhawaan ay soo baxday fadeexad la xariirta.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale codsaday in dowladda ay ku dadaasho sidii dhalinyaro badan oo kenyaan ah looga saari lahaa diiwaanka qaxootiga ee ay galeen maadaama ay dani u geysay si ay ugu fududaato inay aqoonsiga qaran helaan iyo ka faaiideysiga fursadaha shaqo.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Isiolo Rehema Jaldesa ayaa sido kale ka hadashay derbiga laga dhisayo xadka soomaaliya iyo Kenya iyadoo soo jeedisay in la eego warbixin baarlamaanka loo gudbiyay oo arrinkaasi ku aaddan waxaana hadaladeeda ka mid ahaa

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *