Xoghayaha qaramada midoobay oo ku baaqay in la dardargeliyo dhaqangelinta heshiiska nabadeed ee CAR

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa ku baaqay in dhinacyada xubnaha ka ah heshiis nabadeed oo lagu saxiixday jamhuuriyadda bariga Afrika ee CAR ay dardargeliyaan sidii si buuxda loogu dhaqangelin lahaa arrimaha la isku afgartay.
Hadalka mas’uulkan ayaa yimid hal maalin un kaddib markii dowlad cusub la soo dhisay.
Waxaa maamulka cusub xubno ka ah wakiilo matalaya kooxaha hubeysan.
Jamhuuriyadda bartamaha Afrika ee CAR ayay dagaalo ka taagnayeen tan iyo sannadkii 2013-kii.
Dagaaladaasi ayaa waxaa ku barakacay afar meelood tirada guud ee dadka wadankaasi ku nool oo ah 4.5 milyan oo qof.
Kooxaha hubeysan oo isir salka ku haya ayaa maamulo boqolkiba 80 ee dhulka dalka bartamaha Afrika waxaana inta badan lagu dagaalamaa kheyraadka dabiiciga ee wadankaasi uu hodanka ku yahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *