Ammaanka deegaanka Ladgera oo la adkeeyay

Iskuduwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Maxamad Biriq ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay degmooyinka Ladgera oo ka tirsan ismaamulka Garissa oo maalmihii la soo dhaafay lagu dilay saddex qof halka mid kalena la dhaawacay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ciidamo dheeraad ah la geeyay ceeldheere iyo tuulooyinka u dhow si ay amniga u sugaan
Mr. Biriq ayaa intaasi raaciyay in laamaha ammaanka ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan dableydii weerarkaasi geysatay

Xadka deegaanka Lagdera iyo koonfurta Isiolo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhashaaan.
Dhanka kale Mudanaha laga soo doortay deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa Maxamad Hire Gaarane ayaa arrimahan ka hadlay isagoo baaq u diray shacabka, siyaasiyiinta iyo ciidamada ammaanka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *