Dowladda oo gargaar cunno gaarsiisay ismaamulka Kwale

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa maanta tagay dowlad deegaanka Kwale ee gobolka xeebta halkaasi oo cunno gargaar ah loogu qeybiyay shacabka ay abaaruhu saameyeen.
Isagoo uu wehelinayo barasaabka Kwale Salim Mvurya ayay dadweynaha u xaqiijiyeen in lala tacaalayo xaaladda jirta si looga hor tago inuu qof u dhinto saameyn dhanka biya yarida iyo cunno la’aanta ah.
Mr. Wamalwa ayaa baahida ugu badan ee ay shacabka Kwale qabaan ku sheegay biyaha in kastoo dowladda dhexe iyo midda ismaamulka oo iskaashanaya ay sido kale cunnooyin u qeybinayaan.

Dowladda dhexe ayaa xoogga saareyso sidii loo badbaadin lahaa noolosha in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool ugu yaraan 13 ka mid ah ismaamulada dalka oo ay abaartu saameyn ku reebtay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *