In ka badan 18 qof oo ku dhintay daadad saameeyay iiraan

Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen wadanka Iiraan oo ay fatahaado ku dhufteen.
Gobolo badan ayay arrinkan saameyn ku yeesheen halka in ka badan 74 qof oo dheeraad ahna ay dhaawacmeen.
Khasaaraha ka dhashay daadadka ayaa waxaa faahfaahiyay maamulka qaran ee dowladda iiraan u qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Madaxa waaxdan Pirxussein Koolivand ayaa sheegay in 17 qof ay ku dhinteen magaalada Shiraz halka dhimasho kalena laga soo tabiyay Sarpol-e Zahab .
Saameynta fatahaadaha ayaa laga dareemay 25 ka mid ah 31-da gobol ee dowladda iiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *