Injineer Yarisoow oo ka hadlay nidaamka shaqalaysiinta

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxman Cumar Cisman injineer Yarisow oo ka hadlay hannaanka shaqalaysiinta ayaa sheegay in shaqo kaste oo ka banaan Gobalka la xayeeysiin doono qofkii aqoontiisa ku soo baxana la shaqaaleysiinayo.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in yoolka Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay in shaqo weliba loogu tartamo aqoon, waxuna kula dar-daarmay Howlwadeenada Gobolka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan fursaddan, si ay sare ugu qaadaan aqoontooda.
“Waxaa naga go’an in la horumariyo aqoonta howl-wadeennada Waaxda Maaliyadda iyo Dakhliyada Dawladda Hoose, tanoo qayb ka qaadanaysa kordhinta dhakhliga, Maamul wanaagga iyo hannaan kalsooni gelinaya bulshada Caasimadda loogu adeego, loogana guuro hannaankii hore, gaar ahaan shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha cusub iyo kuwii horey u shaqaynayay”.
Duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu daah furayay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay Waaxda Maaliyadda iyo Dhakhliyadda Dawladda Hoose ee Xamar,kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *