Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Ujeedka Safarkiisa Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta  magaalada Muqdisho soo gaaray, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.
Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha,Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Magalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *