Wadamada Kenya iyo Rwanda oo saxiixday heshiisyo lagu xoojinayo aqalka sare

Dowladaha Kenya iyo Rwanda ayaa wada gaaray heshiis ku aaddan sidii ay u wada shaqeyn lahayeen xubnaha golayaasha senate-ka.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Mr. Ken Lusaka ayaa soo gabagabeeyay booqasho afar maalmood ah oo uu ku tagay dalka Rwanda.
Mr. Lusaka ayaa waxaa marti qaaday dhigiisa dalkaasi Mr. Bernard Makuza waxayna isla garteen in sare loo sii qaado xariirka ka dhexeya labada wadan gaar ahaan golayaasha ay hoggaamiyaan.
Labadan mas’uul ayaa sheegay in siyaasiyiinta wadamada dariska ah laga doonayo inay diiradda saaraan sidii ay isaga kaashan lahayeen arrimaha sharciga la xariira.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *