Warbixin laga soo saaray faragelintii la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka

Baaritaano in muddo ah lagu hayay farogelin la sheegay in sannadkii 2016-kii dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka ayaa ugu dambeyn warbixin laga soo saaray.
Qareenka gaarka ah , Robert Mueller ayaa baaritaanadiisa ku soo gabagabeeyay in madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uunan wax shirqool ah la sameyn Ruushka si uu uga caawiyo inuu madaxtinimada ku guulaysto.
Warqad uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ,Robert Barr ayuu ku sheegay inaan Donald Trump lagu eedeyn Karin inuu cadaaladda hor istaagay oo uu xukuumadda Moscow garabsaday.
Sido kale ma jirto cid qeyb ka ahayd ololihii madaxtinimo ee Trump oo eedeyn loo jeediyay.
Mr. Trump ayaa natiijada ka soo baxday baaritaanada soo dhaweeyay isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka ku sheegay in wax khalad ah uunan sameyn, Maraykana uu horay u sii soconayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *