2 qof oo maanta shil ku dhimatay ismamaulka Nyamira

Laba qof ayaa dhintay halka 3 kalena ay dhaawacmeen kadib markii uu shil baabuur ka dhacay aaga lagu magacaabo Sirongo ee ismaamul goboleedka Nyamira.
Shilkan ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidamada taraafikada ee ismamaulka Nyamira.
Gaari nooca Saloonka ah iyo mooto ayaa isku dhacay waxaa isla goobti ku geerooday darawalkii gaarika iyo wadihii mootada.
Meydadka dadka ku dhintay shilka ayaa loo qaaday halka meydadka la dhigo ee Nyamira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *