Assange oo safaaraddii Ecuador ee martigalisay u badalay xarun basaas

Julian Assange ayaa safaaradda Ecuadorian ee magaalada London ka dhigtay “xarun basaas”, sida uu sheegay hoggaamiyaha dalkaas.
Madaxweyne Lenin Moreno ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dal kale oo gacan ka gaystay go’aanka uu dalkiisu magangalyada ugala laabtay ninka aasaasay barta siraha soo qufta ee WikiLeaks, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu uu go’aanka u qaatay meel kadhaca uusameeyay Assange.
Isaga oo la hadlaya wargeyska Guardian ayuu madaxweyne Moreno sheegtay in xukuumaddii isaga ka horraysay ee Ecuador ay qayb ka mid ah dhismaha safaaradda bixisay iyadoo gacan ka gaysatay in dalal kale lagu farogaliyo.
Qareenka Assange ayaa mar hore sheegtay “in eedaymaha Ecuador ay yihiin kuwo laga caroodo.
Madaxweyne Moreno oo awoodda la wareegay sannadkii 2017kii ayaa yiri “ficil kaste oo burburin ah sharci darro ayuu ka yahay Ecuador, sababtuna ay tahay in dalkiisu uu yahay mid madax bannaan oo ixtiraamaha siyaasadaha dalalka kale.
Wuxuu intaas ku sii daray “Guriganaga uma ogolaan karno in uu noqdo guri albaabada balaqaya si uu u noqdo xarurun basaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *