Dagaalka u dhaxeeya Ilhaan iyo Trump oo waji horleh yeeshay.

Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aamusin doonin ka dib markii ay cambaarayn xoog badan kala kulantay qaabka ay uga hadashay weerarkii daaraha Maraykanka lagu qaaday bishii Sabtembar ee sannadkii 2001, dadka aadka u dhaliilayna waxaa ka mid ah madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *