Dibadbaxyaasha Sudan oo baaq u diray Militiriga dalkaasi

Sudan ayaa wali wajahaysa dhibaato xoogan tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii wadankaasi Cumar Xassan Al Bashiir oo dalkaasi maamulayay muddo 30 sano ah.
Qabanqaabayaasha banaanbaxyada ka socda Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga xukunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii, dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah.
Golaha milatariga waxey sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas,laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan.
Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxaya weli sii wada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *