Gudoomiyaha gobolka banaadir oo kulan la qaatay wadayaasha gaadiidka BL-KA

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa magaalada Muqdisho wuxuu maanta kula kulmay wadayaasha gaadiidka ay dadweynuhu raacaan ee BL-ka loo yaqaano.

Gaadiidleeydaan ayaa maanta waxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhigeen dibadbaxyo ay kaga cabanayaan jidadka xiran ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankii dhex maray gaadiidlayda bl-ka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir uu natiijo la ‘aan ku soo dhamaaday.

Dhanka kale kadib markii ay dhawaanahaan magaalada Muqdisho ku soo bateen dilalka loogaysanayo dhalinyarada ku shaqaysta mootooyinka bajaajta ayaa waxaa maanta gaadiidka bajajta loo ogolaaday inay isticmaalaan dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee caasimada.

Dhalinyarada mootooyinka bajaajta ku shaqaysta ayaana soo dhaweeyay talaabada ay ciidamada dowladu ugu ogolaadeen inay maraan wadooyinkii horay loogu diidi jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *