Hogaamiyaasha Sudan oo uu cadaadis saaranyahay

Hogaamiyaasha iminka talada wadanka Sudan gacanta ku haya ayaa waxaa cadaadis xoogan ku haya shacabka iyaga oo dalbanayaa in dad rayid ah loo dhiibo hogaaminta Sudan.
Qabanqaabayaasha banaanbaxyada ka socda Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga xukunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii, dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah.
Dhanka kale Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir.
Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *