Wasiirka waxbarashada oo maanta lagu wado inuu soo bandhigo qaabka ardayda ay ugu biirayaan jaamacadaha

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa la filayaa maanta inuu shaaca ka qaado natiijada la xariirta qaabka ardayda ay ugu biirayaan jaamacadaha iyo machadyada kala duwan ee dalka.
Maamulka kala xusho ardayda galaya jaamcadaha iyo machadyada wadanka ee (KUCCPS) ayaa hannaan online ah oo codsiyada lagu soo gudbinayo furay 6-dii bishii labaad ee sannadkan.
Waxaa uu fursad siinayay ardayda 2018-kii sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da iyo dhalinyarada kale ee kenyaanka ah ee u qalmo inay bartaan culuunta shahaadooyinka degree, diploma, certificate ama farsamada.
Ardaydii helay buundada C+ iyo wax ka sareeya ayaa loo ogolyahay inay ku biiraan jaamcadaha dowliga iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay si ay u qaataan shahaadada degree.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *