Xuutiyiinta Yaman oo xiriir la samaynaysa Mareykanka

Muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal xoogan ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xuutiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa sheegay sarkaal u qaabilsan xuutiyiin Arrimaha Dibadda.
Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay sanadkii 2015kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran.
Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran.
Sacuudiga ayaa tan iyo goortaasi duqeymo cirka ah oo ay dad badani ku dhinteen ka gaystay gudaha wadanka Yeman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *