18-Guddomiyaal oo Senetka su’aalo ka weydinayo hannanka ay lacagaha u istcimaaleen

18 Guddomiyaal ayaa waxa u yeeray guddiga aqalka Senetka ee xisabadka dadweynaha iyo malagashiga si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan hannankii loo isitcmalaay lacagihii sanadkii 2017-ka iyo 2018-ka
Guddigan oo u guddominayo Senetka ismamulka Homabay Moses Kajwang, ayaa waxay baari doonaan guddomiyasha ismaaulada kala ah Embu, Lamu, Nairobi, Kiambu, Wajir, Migori, Homa Bay, Kisii, Taita Taveta iyo Muranga.
Ismamulada kale wax aka mid ah Tana River, Meru, Isiolo, Turkana, Kirinyaga, Mombasa, Mombasa, West Pokot iyo Kilifi oo su’aalo tiro badan oo ku saabsan isticmaalka lacagaha laga soo sheegya.
Waxa laga doonaya inay guddiga ka soo hormuuqdan inta u dhaxeysa 25-ka April ila 30-ka May.
Guddomiyaha ismamaulka Embu Martin Wambora, ayaa ah guddomiyaha ugu hore eek a soo hormuuqanayo guddiga 25-ka April saacadu markay tahay 9.30-Subaxnimo,Si uu gua jawaabo su’aalo ku saabsan in maamulkiisa uu faahfahini waayay halka uu ku bixiyay lacag dhan 494-milyan.
Sida ku cad warbixinada hanti dhowraha guud Edward Ouko,Kaliya waxa cadeyn kara 3.23 Bilyan oo shilinka dalka ah, Waxaana la isticmaalya 5.29 bilyan oo shilinka dalka ah.
Guddomiyaha ismaamulka Lamu Fahim Twaha ayaa guddiga ka soo hor muuqanaya 26-Ka April,Waxaa lagu eedeynaya inuu ku guul darestay inuu faahfahin ka bixiyo sida maamulkiisa ay lacag dheerad ah oo dhan 78-Milyan oo shilinka dalka ugu adeegsadeen mushaarad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *