5 qof oo uu nin ku dilay kuuriyada koonfureed

Nin u dhashay wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo warramaya inuu dab qabadsiiyay guri uu leeyahay oo ay dad deganayeen.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in ninkan uu falkaasi kaddib mindi geliyay dad badan oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in 5 ka mid ah ay dhinteen halka 13 kalena uu dhaawacay.
Ninkan ayaa da’diisul lagu sheegay 42 sano waxaana dhacdadan laga soo tabiyay magaalada ku taalla koonfurta bari ee kuuriyada koonfureed ee Jinju, oo qiyaastii 435 kiilomitir dhanka koonfur bari ka jirta caasimadda Seoul.
Wakaaladda wararka ee dalkaasi ee Yonhap ayaa ku warramaysa in ninkan kaddib markii uu guriga dabka qabadsiiyay uu guda galay inuu weeraro dadkii halkaasi deganaa ee cararayay.
Dabka ayaa la damiyay 20 daqiiqo kaddib halka wargeyska Korea Times uu sheegayo in ninka falkani geystay uu ka mid yahay dadka ka faaiido lacagaha ay dowladda ku taageerto shacabka ku nool deegaanada dhanka horumarka ku dambeeya.
Booliska ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay ay suurtagal tahay inay sii badato maadaama dhaawaca qaar uu halis yahay in kastoo ilaa iyo hadda aanan la ogeyn sababta dhacdooyinkaasi ka dambeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *