Ammaanka garoomada dalka oo la adkeeyay kaddib digniin la soo saaray

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dhammaan garoomada diyaaradaha dalka kaddib markii la helay xog la xariirta sirdoonka oo ah in la qorsheynayo weerar.
Madaxa badqabka ee maamulka garoomada diyaaradaha dalka ee KAA, Solomon Kaleli ayaa maareeya gagida kala duwan ugu baaqay inay amniga si weyn u sugaan.
Waxaa uu ku taliyay in sare loo qaado howlgalada amni , ciidamo dheeraad ah la howlgeliyo, in laga feejignaado safafka dhadheer sido kalena si dhow loola socdo kameerooyinka duubo muuqaalada qarsoon ee loo yaqaano CCTV –da.
Mr. Kaleli ayaa sido kale soo jeediyay in la qabto kulamo deg deg ah oo looga arrinsanayo amniga garoomada diyaaradaha iyo in lala yimaado istaraatiijiyo ka dhan ah weeraro xarakada Al-shabaab la sheegay inay doonayso inay fuliso xilliga lagu guda jiro fasaxa loo yaqaano Easter.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *