Cudurka daacuunka oo ka dilaacay Nairobi.

Shaqaale ka tirsan isbitaalka Nairobi ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay cudurka daacuunka halka 7 qof  oo kalena laga dabiibayo.

Xarunta caafimaadka ee isbitaalkaas ayaa la sheegaay inuu ka dilaacay cudurka daacuunka.

Qofka u dhintay cudurka daacuunka oo ka shaqeynayay isbitaalka Nairobi ayaa asxaabtiisa waxaa ay sheegeen inuu saaka ku soo booday xanuun yar wax yar kadibna uu u geeriyooday.

Ilo wareedyo laga helay isbitaalka Nairobi ayaa la sheegay in 23 xaaladooda oo ka mid ah cudurka ay biyuhu ka dhashaan lagu arkay .

Waxaana albaabada la isugu dhuftay jigada lagu kariyo cunada ee Isbitaalka Nairobi iyadoo ay hawlwadeenada caafimaadka isbitalkaasi ay ku dadaalayaan inuusan faafin cudurkaasi halista ah.

Waxaa aad muhiim u ah inaad nadaafada ilaaliso isla markanaa eegto biyaha aad cabeyso iyo cunada aad cuneyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *