Dalladda shaqaalaha dalka oo ka soo horjeestay qorshaha guriyeynta ee dowladda

Ururka ay ku mideysanyihiin shaqaalaha dalka ee (FKE) ayaa gaashaanka u daruuray qorsho dowladda ay soo saartay oo ay ku doonayso in shaqaalaha la saaro canshuur dheeraad ah si dhaqaalaha soo xaroodo loogu adeegsado mashruuc dhanka guriyaha ah.
Mashruucan ayaa ka mid ah afar waxyaabood oo ugu waweyn oo maamulka talada haya ee Jubilee uu xilligii ololihii doorashada uu Kenyaanka u ballanqaaday inuu fulinayo.
Dowladda ayaa sheegtay in musharaadka shaqaalaha ee bishan laga jarayo boqolkiiba 1.5 si loogu dhiso guriyo taya ahaan wanaagsan sido kalena dadweynaha ay ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Hasa ahaate agaasimaha guud ee dalladda FKE ,Jacqueline Mugo ayaa maamulayaasha shirkadaha iyo waaxyaha kala duwan ugu baaqday inaynan dhaqangelin sharcigan kaddib amar ka soo baxay wasaaradda guriyeynta iyo maamulka canshuuraha ee KRA.
Ms Mugo ayaa mid sharci darro ah ku tilmaantay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradda gaadiidka, kaabayaasha waddooyinka iyo guriyeynta iyo KRA.
Amarkan ayaa dhigaya in canshuurta ah boqolkiiba 1.5 ee la saarayo shaqaalaha dalka ay dhaqangalayso laga billaabo 9-ka bisha shanaad ee sannadkan in kastoo ururka FKE uu sheegayo inuu jiro amar maxkamadeed oo qorshahan ka dhan ah kaasi oo weli shaqeynaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *