Dowladda Baxrayn oo dhalashada kala laabata 138 ruux

Wararka naga soo gaaraya dalka Baxrayn ayaa sheegaya in maxkamad halkaasi ku taalla ay xukun xabsi ah ku ridday 139 qof halka ay dhalashada kala laabatay waxaan ka ahayn hal ruux.
Dadkan ayaa lagu soo oogay dacwado la xariira falal argagixiso
69 ka mid ah eedeysanayaasha ayaa xabsi daa’in la xiray iyadoo kuwa kalena lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya 3 ilaa 7 sano.
Waxaa dhammaantood lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen shabakad ku xiran ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *