Gudoonka aqalka sare ee Soomaaliya oo dalbaday in la xaliyo Tabashada Soomaaliland.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay Kulanka Baarlamanka oo mudada furitaanka uu Maanta dheeraaday kadib markii xildhibaanadu ay soo xaadiri waayeen saacadii loo qabtay.
Kulanka waxaa shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana looga hadlayaa laba ajande oo kala ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.
Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ah oo soo xaadiray 141 Mudane, waxaana kulanka lagu bilaabay warbixinta laga dhageysanayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Gudiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorsheyaal ku aadan qaabka ay u dhacayso doorashada lagu wado inay dalka Soomaaliya ka dhacdo bilowga sanadka 2021-ka
Dhanka kale waxaa maanta kulankooda caadiga ah iyaguna ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya.
Xildhibaanada aqalka sare Soomaaliya waxaa maanta waxbixin u gudbiyay gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa sheegay inay muhiimad weyn leedahay arinta Soomaaliland lana doonayo in xal laga gaaro.
Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuusan dhamaystirmi Karin Dastuurka Soomaaliya hadii aan Xal laga gaarin arinta Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *