Ismaamulada Garissa iyo Kilifi oo laga hirgalin doono mashruuca korontada cadceedda

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in tijaabo la xariirta isticmaalka korontada laga dhaliyo cadceedda laga sameyn doono ismaamulada kala ah Kilifi iyo Garissa.
Ismaamuladan ayaa ka mid ah 47 ku yaalla wadanka oo mashruucan laga fulin doono.
Sido kale qorshaha dowladda ayaa ah in ugu yaraan hal milyan oo qof oo Kenyaan ah ay helaan lacago looga gol leeyahay inay uga badbaadaan saameynta ka dhalan karto cuno yarida maadaama ay dhibaatooyinka u nugul yihiin.
Barnaamijkan ayaa loogu magacdaray Mwangaza Mashinani waxaana maalgelinaya dowladda Sweden iyo hay’adda UNICEF.
Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in guriyaha dadka ugu saboolsan ee ku nool gudaha wadanka lagu xiro korontada ku shaqeysa awoodda cadceedda .
Tijaabada mashruucan ee laga sameynayo ismaamulada Garissa iyo Kilifi ayay dowladda Sweden ku qarash gelinaysaa 100 milyan oo shilin.
Isniintii ayaa mashruucan xariga looga jaray dowlad deegaanka Kilifi ee gobolka xeebta wuxuuna qorshuhu yahay in si buuxda loogu dhaqangeliyo hal sano gudaheed.
Waxaa mashruucan daahfurtay safiiradda Sweden ee Kenya ,Anna Jardfelt, waxayna sheegtay in isticmaalka korontada cadcadeedda lagu tijaabin doono ilaa iyo 1,500 oo ah guriyo ku yaalla Garissa iyo Kilifi ka hor inta aanan si rasmi ah loo dhaqangelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *