Khasaaraha Qaraxii galabta: Booliska oo war soo saaray

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay agagaarka Isgoyska Dabka ee Wadada wadnaha.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ka dhacay maqaayad ku taal Isgoyska Dabka oo la dhigay horteeda gaari nooca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Taliya Kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay qaraxa iyo khasaaraha uu sababay, waxaana ay xustay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Harier oo la dhigay maqaayada uu horteeda ku qarxay.
Waxaa ay ugu baaqday shacabka inay taxadar muujiyaan, ayna Booliska ku soo wargeliyaan gawaarida ay ka shakiyaan, iyagoo soo wacaya taleefanka nambarka 991.
Qaraxa galabta ka dhacay Isgoyska Dabka ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *