Xoghayaha guud ee Jubilee oo dhaliilay hadal haynta doorashada 2022-ka

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta ku mashquulsan hadal haynta la xariirta doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Waxaa uu Tuju ku talinayaa in madaxda siyaasadeed laga doonayo inay diiradda saaraan wax u qabashada shacabka soo doortay.
Xilli uu u warramayay telefishinka maxaliga ee Citizen ayuu tusaale u soo qaatay abaarta jirta oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay inay hoggaamiyaasha dalka xal u helaan.
Mr. Tuju ayaa hoosta ka xariiqay inaan la joogin xiligii laha hadli lahaa cidda hoggaanka wadanka kala wareegi doonto madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Xoghayaha Jubilee ayaa sido kale carrabka ku dhuftay inaynan munsaab ahayn in kaniisadaha iyo meelaha aaska looga hadlo arrimo siyaasadeed.
Mr. Tuju ayaa dhanka kale beeniyay inay kala qeybsanaan ka dhex jirto xisbiga Jubilee waxaa uuna ammaanay kulankii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga oo uu sheegay inuu dalka xasilooni iyo horumar u horseeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *