India iyo Australia oo kala saxiixday heshiis u ogolaanaya in midba midka kale uu adeegsado saldhigyada militari

India iyo Australia ayaa qalinka ku duugay heshiis kaas oo u ogolaanaya in midba midka kale uu adeegsado saldhigyada milatariga, sida ay sheegatay wasaaradda arrimaha dibedda ee India.
Heshiiska ayaa wadada u xaaraya is-weydaarsiga millatari iyo tababar dheeraad ah gudaha Indo-Pacific.
Heshiiska ayaa la saxiixay intii lagu guda jiray shir u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi iyo dhiggiisa Australia Scott Morrison khamiista.
Heshiiska ayaa u oggolaanaya maraakiibta militariga India iyo Australia iyo diyaaradahooda inay ka shidaal qaataan saldhigyada militiriga iyo xarumaha dayactirka.
India ayaa heshiis kan lamid ah waxaa uu kala dhexeyaa Mareykanka, oo loo arko inay qayb ka tahay iskaashi ballaaran oo dhinaca amniga ah si loo dheelitiro kororka dhaqaalaha Shiinaha iyo culeyska milatari ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here