India oo 15-kii daqiiqaba haweeney lagu kufsado

Dowladda dalka India ayaa baaritaano ay sameysay waxay ka soo saartay warbixin qeexaysa in gudaha wadankaas sannadkii 2018-kii, 15-kii daqiiqaba la soo tabinayay kufsi ama faraxumeyn qof haweeney ah loo gaystay.
Sannadkii 2012-kii ayay ahayd markii magaalada New Delhi ee India ay ka dhaceen kufsi iyo sido kale dil wadareed aad looga hadlay.
Dhacdooyinkaas ayaa sababay in tobanaan kun oo qof ay waddooyinka dibadbaxyo ka sameeyaan iyadoo dalbanaya in dowladda ay soo saarto shuruuc adag oo xadgudubyadan ka dhan ah balse ilaa iyo hadda xal waara looma helin.
Waxaa warbixinta lagu xusay in sannadkii 2018-kii , la diiwaangeliyay 34,000 oo ah kiisaska kufsiga.
In ka badan boqolkiiba 85 ee dembiyadan ayaa maxkamadda loo gudbiyay waxaana lagu caddeeyay boqolkiiba 27 ee eedeysanayaashii loo soo xiray.
Caqabadaha jira waxaa ka mid ah in arrin aan caada ahayn loo arko in haweeneyda ay sheegato kufsi loo gaystay.
Warbixinta oo mid sannadla ah ayaa waxaa soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee India.
Kooxaha u ololeeya xuquuqda haweenka ayaa sheegaya in falal dambiyeedyada lagula kaco aan muhiimad gaar ah la siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here