India oo diiwaan gelisay tiradii ugu badneyd ee maalin laha ee fayraska koroona

India ayaa diiwaan gelisay tiradii ugu badneyd ee maalin laha ee fayraaska koroona iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay kiisasku ay gaareen 6,000, waxaana la khafiifiyay xayiraadihii saarnaa wadanka isla markaana duulimaadyada dalka gudihiisa ay dib u bilaabmayaan.
Dalkan oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof ayaa diiwaan geliyay 118,000 oo kiis iyo dhimashada 3,583 qof.
Rai’isul wasaare Narendra Modi ayaa kordhiyay mudada xayiraadka ila 31-ka bishan May balse waxaa laga khafiifiyay gobolada qaar oo ay kiisaskoodu hooseyeen .
Mid mid, dawladaha adduunka oo dhan ayaa si tartiib ah u fududeynaya xannibaadaha adag ee loola jeedo in lagu xakameeyo faafitaanka coronavirus xitaa iyada oo waddamada qaarkood ay kiisasku sii kor dhayaan.
Iyada oo aan la hayn daaweyn la ogyahay ama tallaal la heli karo, khubaradu waxay ka digayaan in khafiifinta xayiraadaha ay sababi karto wajigii labaad ee fayraaska kaas oo noqonaya midka ugu dhimashada badan.
Thailand ayaa kordhisay mudada uu dalkaasi ku jirayo xaaladda deg dega ila iyo dhamaadka bisha Juun si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID-19 iyada oo ay dawladda sii khafiifinayso xayiraadaha dalka saaran.
Suuqyada iyo dukaamada ayaa dib loo furay dhammaadka isbuucii hore ka dib ku dhawaad laba bilood oo ay xirnaayeen iyadoo tirada kiisasku yaraadeen, laakiin baararka, meelaha lagu caweeyo, shineemooyinka, garoomada ciyaarta iyo qaar ka mid ah isboortiga ayaa xaddidan.
Ruushka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay diiwaan geliyay dhimashada 150 qof waxayna tirada guud hadda tahay 3,249.
Sido kale kiisas dhan 8,894 ayaa lasoo tabiyay waxayna hadda tahay 326,448.
Guud ahaan caalamka waxaa la xaqiijiyay in ka badan 5 milyan oo kiis iyo dhimashada 334,000 oo qof.
Waxaa fayraaska kasoo kabatay 2 milyan oo qof.
Qaaradda Afrika kiisasku waxaa ay gaareen 101,000 kun iyo dhimashada in ka badan 3,000 waxaana ka bogsaday 40,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here